Dibadbaxyo ka dhan ah Hindiya oo ka dhacay Pakistaan.(Sawiro)

Wararka ka imaanaya Gobalka Kashmiir ayaa sheegaya in dibad bax waaweyn shalay oo jimco ahayd ay ruxeen gobalka kuwaasi  oo looga soo horjeeday go’aanka ay dowladda Hindiya qaadatay ee Kashmiir ugu darsatay dalkeeda.

Go’aankaasi ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray dalalka Hindiya iyo Pakistaan oo horay ugu dagaalamay gacan ku heynta Gobalka Kashmiir.

Ciidamada Milatariga Dowladda Hindiya ayaa dibad baxayaasha u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas ay hawada uridayeen si ay u kala eryaan kumanaan dad ah oo isugu soo baxay Fagaare ku yaalla Magaalada Sinjaar ee ugu weyn Gobalka Kashmiir.

Muslimiinta ku jira gacanta Gumeystaha Hindiya ayaa iska indho tiray Bandow ay soo rogtay dowladda Hindiya iyadoo salaadii jimcaha kadib socod ku maray wadooyinka sida ay kusoo waramayaan wariyayaasha soo tabinaya xiisadaha ka aloolsan gobalka Kashmiir.

Qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha ayaa watay raayo Madow  iyagoo ku dhawaaqayay “Waxaan dooneynaa xorriyad  iyo Lama Aqbali Karo Qodobka  370 ee dhaqdhaqaaq yar u ogolaanayay reer Kashmiir.

Xisbiga Mayalka Adag ee xukuma Hindiya ayaa Maalintii Isniinta ee todobaadkii lasoo dhaafay waxay ka laabteen qodobka 370 ee dastuurka Hindiya, waxayna ku dhawaaqeeyn inay xadidayaan  awoodaha Gobalka oo la hoos geynayo New Dalhi.

Hindiya ayaa 700,000 oo askari oo dheeraad ah waxay u dirtay gobolka si loo cadaadiyo Muslimiinta iyadoo Bandow ku soo rogtay qeybo kamid ah Gobalka.

Waxay xirtay  isgaarsiinta iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Gobalka taasina waxay sii xoojisay dadka ka falcinaya damaca Hindiya.

Masaajidka ugu weyn Sinjaar ayaa xiran kaasi oo aan shalay salaada jimcaha  lagu dukan, inkastoo saraakiisha Booliska Hindiya ay xuseen in masaajida qaar ay ufasaxeen in dadka ku dakadaan.

Dhaariq axmed oo ah 32 jir taagan dhabarka danbe masjidka xiran ayaa ka digay cawaaqib xuamda ka dhalan karta xanibaada Hindiya.

“Haddii ay xoog u adeegsadaan dadka aanan hubeysneeyn ee Kashmiir inagana waxaan ula fal gali doonaa xoog”ayuu Dhaariq ku yiri Ciidamada Amniga ee isku dayaya inay maquuniyaan rabitaanka Muslimiinta Kashmiir.

“Wax kalsooni  ah uma heyno dowladda Hindiya. Waa inay noo oggolaadaan inaan dibadbax sameyno. Haddii kale, waxa kaliya ee na horyaalla waa halgan hubaysan.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa

Wakaaladaha wararka ayaa baahinaya sawiro Muujinaya isku soo baxyada waxaana la arkayay dhalinayaro dhagxaan ku tuuraya Ciidamada Hindiya.

Magaalooyin kale oo katirsan wadanka Pakistaan ayaa shalay waxaa ka dhacay isku soo baxyo looga soo horjeeday Dowladda Hindiya.

Magaalooyinka Islamabad.Laahuur,Karaji ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo iyadoo dadka mudaaharaadayay ay gubeen sawirka Reysulwasaaraha Hindiya oo ay ku tilmaameen argagaxiye.

Labada dal waxay ku hubeysan yihiin hubka nukliyeerka, waxaana muuqata in khilaafkooda uu gaaray halkii ugu sareysay iyagoo jaray xeriir aanan sidaasi ubuurnayn oo ka dhaxeeyay.

Islamabad oo ka jawaabaysa  tallaabada New Delhi ayaa waxay cayrisay ergayga Hindiya, waxayna  hakisay ganacsiga ka dhaxeeyay labada dal , waxay sidoo kale joojisay adeegyadii tareenka ee xudduud beenaadka labada dal waxayna mamnuucdeen  filimada Hindiya ee laga daawado wadanka Pakistaan.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.