Diyaarad dagaal oo lagu soo riday gobolka Idlib ee Suuriya.
Dagaalyahannada Jihaadiyiinta ah ee ka howlgala wuqooyiga Suuriya ayaa ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan diyaarad nooca dagaalka ah oo duqeymo ka geysanaysay gobolka Idlib.
Diyaaradan dhulka lasoo dhigay ayaa nooceeda lagu sheegay inuu yahay Sokhawi22, waxaana lahaa nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-asad.
Waxay kusoo dhacday baadiyaha koonfureed ee gobolka Idlib, waxaana dhicitaankeeda uu yimid ka gadaal markii lala helay gantaal laga tuuray dhulka.
Taxriiru-Shaam oo kamid ah jamaacaadka ka howlgala Suuriya ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay iney iyadu ka dambeyso soo ridista diyaaradda, waxaana baraha Internetka ay ku baahisay burburka diyaaradda.
Warar la helayo waxay ku waramayaan in duuliyihii diyaaradda isagoo nool uu u gacan galay Mujaahidiinta, lamana oga halka uu xaalkiisa ku dambeyn doono.
Arintan ayaa waxaa aad ugu farxay guud ahaan muslimiinta dega wuqooyiga Suuriya, kuwaas oo Allaah uga mahadceliyay guushan lagu tallaabsaday.
Waxay timid soo ridista diyaaradan, iyadoo Nidaamka iyo Ruushka uu waday maalmihii tagay duqeymo aan loo meel dayin oo uu ku garaacayo deegaannada xurta ah ee wuqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ku noolyihiin malaayiin ruux oo muslimiin ah.