Dowladda Oo magacawday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir kadib dilkii Yiriisow.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu iclaamiyay gudoomiye cusub oo uu yeesho gobolka Banaadir, kadib markii gudoomiyihii hore ee gobolkaas uu ku dhintay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha waxaa lagu sheegay in Cumar Maxamuud Maxamed oo loo yaqaano Cumar Finish loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho.

Cumar Finish ayaa hadda kamid ahaa xillibaanada baarlamaanka dowladda federaalka, waxaana uu caan ka yahay magaalada Muqdisho.

Wuxuu kamid ahaa qab qablayaashii soo maray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isagoona xubin kasoo noqday isbaheysigii la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada oo ay reer Muqdisho u yaqaaneen Ashahaado la dirirka ee ka amar qaadanayay Maraykanka.

Magaalada Muqdisho ayaa arinkan aad looga hadal hayaa, waxaana muuqata in reer Muqdisho lasii gelinayaa dhibaato horleh, maadaama dadkii sagaashameeyadii dhibaatada u horseedey ay maanta markale soo hor fadhiisteen iyagoo wata shaar dowladeed.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yiriisow ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar qorsheysan oo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulisay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.