Halw Gal Ay Al-Shabaab Ka Fuliyeen NFD oo Lagu Gubay Safaricom.
Safaricom waa xarun isgaarsiin oo ay leedahay dowladda wadanka Kenya taasoo ku baahsan dalkaas oo dhan iyo xataa dhulka Soomaaliyeed ee ay heystaan.
Ciidamo ka tirsan Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa hawl gal ay fuliyeen saacadihii lasoo dhaafay ku gubay mid kamid ah xarumaha Safaricom ee ku yaalla dhulka Soomaaliyeed.
Hawl galkan ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka lagu magacaabo Halluuqa oo hoos taga Gaarisa. Markii ciidamada Al-Shabaab gudaha u galeen degaanka waxaa gabi ahaanba cararay ciidamadii joogay, intaasi kadibna waxay tageen xarunta Safaricom, taasoo gabi ahaanba ay bas beeliyeen.
Tan ayaa ka dhigan in dowladda Kenya ay weysay dhaqaale badan oo ay ka heli jirtay Soomaalida ay ku sandulleysay isgaarsiinteeda.
Kenya ayaa marar badan burburisay xarumo dhowr ah oo ay shirkadaha isgaarsiinta Soomaalidu ku leeyihiin xuduud beenaadka iyo meelo ka tirsan Gedo iyo Jubada hoose.
Warbaahinta Kenya qaarkood ayaa maanta baahinayay sawirro muujinaya burburka xarunta Safaricom.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegatay mas’uuliyadda hawl galkan.