Howlgal Sarkaal lagu dilay oo ka dhacay Mandheera.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday howlgal qorsheysan oo gallaaftay nolosha saraakiil iyo askar katirsan ciidamada Kenya.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay tuulada Sinow oo hoostagta Mandheera, waxaana lagu dilay askari iyo sarkaal katirsan ciidamada Keydka ee Kenya.
Askariga la dilay waxaa lagu magacaabaa Maxamuud Indha yare, waxaana lala dilay wiilkiisa oo ahaa sarkaal katirsan ciidamada keydka ee Kenya.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhulka NFD ka wado howlgallo milliteri oo beegsanaya ciidamada iyo xubnaha dowladda Kenya.