Howlgallo kala duwan oo ka dhacay Banaadir, Shabeellaha hoose iyo Baay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday difaacyada ciidamada dowladda ee degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana meelaha sida gaarka ah loo weeraray kamid ah saldhiga Police-ka ee degmada.

Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerarka, waxaana xaafadaha Qoryoolay intooda badan la wareegay Mujaahidiinta, iyadoo ciidamada dowladda ay naf ka raadiyeen saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee ku yaala buundada.

Dhinac kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xaafadda Sancaa ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal katirsan ciidamada Booliiska.

Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, waxaana meydka goordambe qaaday ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Ugu dambeyntii, weerar qarax ah oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay waxaa ku dhaawacmey tiro kamid ah ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee wada shaqeynta dhow la leh Xabashida Itoobiya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.