James Swan iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo tagay magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa ka taagan xiisad salka ku heysa arimaha doorashooyinka maamulkaas oo lagu wado in mardhow la qabto.

Saraakii katirsan sirdoonka Itoobiya ayaa gaaray magaalada Kismaayo, kuwaas oo kulamo la yeeshey madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in kulankooda uu is afgarad waa kusoo dhamaaday.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa waxyaabaha ay kawada hadleen Axmad Madoobe iyo saraakiisha Itoobiyaanka, waxaana muuqaneysa in Itoobiyaanku ay la jiraan dhanka dowladda federaalka oo qaadacday doorashooyinka Jubbaland iyo xillibaanada cusub ee la dhaariyay.

Waxaa goordhow Kismaayo gaaray wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ninka u dhashey Maraykanka ee lagu magacaabo James Swam, waxaana uu la kulmi doonaa madax kala duwan, lamana oga sida uu arinka ku dhameyn doono.

Musharixiin mucaarad ku ah Axmad Madoobe ayaa sheegay iney kasoo horjeedaan dhaarinta xillibaanada cusub, waxayna dhankooda shaaciyeen xillbaano, taas oo ka dhigan labo gudi xllibaan oo uu yeeshey maamulka Jubbaland, horseedi kartana labo madaxweyne.

Xillibaano ka socoda labada aqal ee baarlamaanka oo taageersan maamulka Jubbaland ayaa dhankooda goor sii horeysay gaaray Kismaayo, waxayna sharci ku tilmaameen xillibaanada la dhaariyay iyo doorashada madaxtinimo ee la filayo.

Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaalada Kismaayo iyo xiisadda ka dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, waxaana tani ay markale banaanka soo dhigeysaa fashilka Federaalisimka lagu kala qeybinayo umadda Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.