Kamiin culus oo ka dhacay duleedka Baydhabo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kamiin culus u dhigay  kolonyo askar ah oo katirsan kuwa Koonfur galbeed oo kasoo baxay magaalada Baydhabo ee xarunta Baay.

Ciidankan ayaa kusii jeeday dhanka Daynuunaay oo aroornimadii hore ay dagaal kula wareegeen Mujaahidiinta, waxaana gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Warar la helayo waxay xaqiijinayaan in kolonyada kamiinka kahor lala beegsaday qarax xoogan, kadibna ay xigtey rasaas ooda looga qaaday, taas oo dhalisay waxyeello maaddi ah iyo khasaare nafeed.

Ciidamada Koonfur galbeed ayaa iyagoo jabay waxay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo oo markii hore ay kasoo duulaan tageen, iyagoo wata meydad iyo dhaawacyo.

Aroornimadii hore ee maanta ayaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen Daynuunaay,  halkaas oo ay ka firxadeen ciidankii Koonfur galbeed ee joogay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.