Maraykanka iyo Xuuthiyiinta oo lagu wado iney wadahadallo yeeshaan.

Wargeyska World Street Journal ee laga leeyahay Maraykanka ayaa daabacay warbixin uu ku sheegayo in dowladda Maraykanka ay wado dadaallo ay ku dooneyso iney ku hor fadhiisato malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, si loo soo afjaro howlgalka isbaheysiga carbeed uu ka wado Yemen.

Wargeyska oo soo xiganayo ilo xog ogaal ah oo aad u sarreeya ayaa sheegay in maamulka Trump uu wado diyaar garow kama dabeys ah oo lagu soo afjarayo colaada u dhexeya Xuuthiyiinta iyo maamulka Aala-Sucuud.

Sida ay sheegyaaan ilaha xogtan laga soo xiganayo, Maraykanka wuxuu maamulka Aala-sucuud ku amri doonaa iney kasoo qeybgalaan wadahadallada lala galayo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, si loo gaaro heshiis xabad joojin ah.

Wada xaajoodka ayaa lagu qaban doonaa wadanka Cummaan ee deriska la ah Yemen, waxaana dhanka Maraykanka meteli doona safiirka u fadhiya Yemen ee lagu magacaabo Cristover Hinzl.

Masuuliyaan Maraykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in todobaadkan ay la kulmi doonaan madax sar sare oo katirsan Aala-sucuud, si loogu qanciyo in lasoo afjaro dagaalka ka socda Yemen.

Madaxdaas waxaa kamid ah ku xigeenka wasiirka gaashandhiga maamulka Aala-sucuud ninka lagu magacaabo Khaalid bin Salmaan, waxaana lagu amri doona in qaab diblumaasiaydeed ay u maareeyaan muranka kala dhexeeya Xuuthiyiinta.

Warkan ayaa kusoo aadaya, xilli isbaheysiga carbeed ee uu hogaaminayo Aala-sucuud ay ku fashilmeen howlgallada ay ka wadaan wadanka Yemen, waxaana malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay bilooyinkii u dambeeyey billaabeen iney weeraro ka fuliyaan gudaha dhulka Xarameynka.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo ahayd bah wadaaga rasmiga ah ee Aala-sucuud ayaa iyaduna waxay sheegtay iney wax ka bedeleyso siyaasadeeda ku aadan Yemen, waxayna la baxday ciidamo badan, halka ay hadda taagaareyso malleeshiyaad gooni u goosad ah oo doonaya iney ka go’aan Yemen inteeda kale.

Howlgalka Taxaalufka, wuxuu Yemen ka billowday bishii Marso ee 2015-ka, waxaana uu watay magac ah badbaadada Yemen iyo in la taageero xukuumadda uu Caalamku aqoonsanyahay, balse hadda waxaa banaanka usoo baxay damaca rasmiga ah ee Taxaalufka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.