Weeraro Sababay Khasaare oo Ka Dhacay Duleedyada Kismaayo.

Qaraxyo xoogan ayaa lagu weeraray kolonyo huwan ah oo ka koobneyd Maraykan iyo Soomaali, kuwaas oo ku socdaalayay qeybo kamid ah deegaannada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buula guduud, waxaana inta la hubo gubtay gaari gaashaman oo ay wateen ciidamada Maraykanka, taas oo dhalisay khasaare nafeed.

Gaari kale oo ay saarnaayeen saraakiil katirsan maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale qarax xoogan lala eegtay, waxaana ku dhintay ugu yaraan labo sarkaal oo mid kamid ah lagu magacaabo Bashiir Goobe oo ahaa taliye horin.

Waxaa sidoo kale jirta in weerar qarax ah lagu weeraray bar kontorool oo ku taalla duleedka magaalada Kismaayo, taas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland, waxaana qaraxaas ku dhintay ugu yaraan 3 askari.

Dhinaca magaalada Muqdisho, waxaa askari katirsan ciidamada dowladda lagu dilay degmada Yaaqashiid ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa si gaar ah kaga dhacay xaafadda Towfiiq, waxaana askariga laga qaatay qorigii uu watay.

Shabeellaha hoose, waxaa jira weeraro kala duwan oo ay la kulmeen ciidamada dowladda, waxaana kamid ah weerar lagu qaaday bar kontorool oo ku taalla gudaha Afgooye.

Ciidamo katirsan Mujaahidiinta ayaa weerar culus ku kediyay ciidankii joogay goobta isbaarada ahayd, waxana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaaan 3 askari.

Ciidamo kale oo katirsan dowladda, kuna socldaayay inta u dhexeysa Wallaweyn iyo Warxaman ayaa qarax lala helay, waxaana ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay weerarada ay ka fulineyso goobaha ay ku suganyihiin Shisheeyahah iyo kaaliyaashooda, waxaana horay Mujaahidiintu ugu hanjabeen ineysan Shisheeyuhu hurda ku ledi doonin carriga Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.