Masuul katirsan Hir Shabeelel Oo Hiiraan lagu dilay.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in qarax xoogan oo ka dhacay degmada Jalalaqsi lagu dilay masuul sare oo katirsan maamulka degmada u qaabilsan Hir Shabeelle.

Nuur Cumar oo ahaa ku xigeenka gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa lagu dilay qarax culus oo ka dhacay gudaha degmada, kaas oo bartilmaameed gaar ah beegsanayay.

War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan qarax ah ee lagu dilay masuulkan katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Majiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Hir Shabeelle oo ku aadan dilka gudoomiye ku xigeenkii Jalalaqsi, waxaana degmadan ay kamid tahay meelaha ay Hiiraan kaga suganyihiin ciidamada Jabuutiyaanka ee Soomaalidu ugu yeerto Hiil gumeysi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.