Mid kamid ah Cullimada uxiran Dowladda Sacuudiga oo Ku dhintay Xabsi.

Akoon la socda maxaabiista dulmiga ugu xiran xabsiyada maamulka Aala sacuud ayaa sheegay in mid kamid ah Culimad uxiran Dowladda Sacuudiga uu ku dhintay xabsi.

Boggaan ayaa sheegay in macluumaad uu hayo uu ku xaqiijiyay geerida sheekhaan.

“Waxaa la inoo xaqiijiyay in Sheikh Saalax Abdul Aziz al-Dumeiri uu ku dhintay xabsi ku yaallla gobolka AlQaasim ee bartamaha dalka Sacuudiga”akoonka ayaa bartiisa twitterka sidaasi ku soo qoray.

Wadaadkaan ayaa mudooyinkaan danbe ku xanuunsanayay gudaha xabsiga waxaana caafimaadkiisa dayacay maamulka Aala sacuud markii ay diideen in sheekha uu hello kaalmo caafimaad.

Waxaa la sheegayaa in Sheekh Saalax uu aad kaga xanuunsanayay.

Qoyska sheekha ayaa lagu soo wargaliyay geerida sheekh Saalax ‘waxaana sheekha Lagu aasay Magaalada Sakaka ee gobolka Aljowf waqooyiga dalka Sacuudiga.

Maamulka Aala sacuud ayaa marar badan xiray sheekha kadib markii uu ka hadlay Culimada iyo ducaada uxiran Dowladda Sacuudiga kuwaasi oo loo heysto inay ka dhiidhiyaan oo aysan taageerin nidaamka Sacuudiga oo ku dhaqaaqay wax kasta oo ka dhan ah shacaairta islaamka.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaanan faafaahin sida uu ku dhintay sheekha iyo wararka isa soo taraya ee ku saabsan in la dayacay caafimaadka sheekh Saalax oo aad ula ildarnaa wadno xanuun uu qabay.

Ma ahan Markii Ugu horeysay ee xabisyada Sacuudiga ay dar xumo iyo tacdiibin ugu dhintaan culimada iyo ducaada ku xiran.

Bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa sheekh Axmed Alcamaari oo ahaa Aas aasiyihii kuliyada Qur’aanka Kariimka ee Jaamacadda Madinah al-Munawwarah,wuxuu ku dhintay xabsi ku yaalla Sacuudiga

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.