Sawirro: Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Ergadii Jubbaland iyo Koofur Galbeed.
Deegaanka Buula fullaay ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay odayaal horey uga mid ahaa kuwii soo xulay baarlamaannada, balse hadda ka qoomeeyey tallaabadaas, soona ajiibay baaqii hogaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Munaasabadda oo ahayd mid aad u ballaaran waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin sare oo katirsan Mujaahidiinta, Odayaal iyo hormuudka qabaa’ilka Wilaayaadka, iyo 74 oday oo horey wax uga soo xulay baarlamaannada Jubbaland iyo Koonfur galbeed.
Odayaasha ka hadlay munaasabadda ee kasoo laabtay falkii ay horey ugu dheceen ayaa sheegay in aad loo soo dhaweeyey, ayna kasoo laabteen falkii ka dhacay.
Masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyagana munaasabadda ka hadlay ayaa si diirran usoo dhaweeyey Odayaasha, iyagoona uga mahadceliyay tallaabada ay qaateen.
Hoos ka daawo Sawirrarada Munaasabadda Buula Fullaay ka dhacday.