Qarax khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Mandheera.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaliyeed ee NFD ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala helay gaari nooca waaweyn ah oo ay saarnaayeen askar Kenyaati ah.

Qaraxa waxa uu ahaa mid aad u culus, waxaana lala eegtay gaari Mutabiish ah oo ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah, kaas oo marayay meel u dhow deegaanka Fiinow ee Mandheera.

Ugu yaraan 5 askari ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, oo dhamaantooda ah askar Kenyaati ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.