Qarax Xabashi lagu dilay oo ka dhacay Halgan.

Waxaa goordhow qarax xoogan lagu weeraray ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku jooga deegaanka Halgan ee wilaayada islaamiga Hiiraan, bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Qaraxa waxa uu ciidamada Itoobiyaanka haleelay xilli ay marayeen afaafka hore ee Halgan, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan 2 askari oo Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay geeridooda, waxaana suurtagal ah in khasaaruhu intaas ka bato.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qaraxyo kuwan lamid ah ay ka dhacaan deegaanka Halgan ee Hiiraan, waxaana kusoo batay deegaanka qaraxyada qorsheysan ee gallaafanaya nolosha askar badan oo Itoobiyaan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.