Saraakiil Itoobiyaan Ah oo Kulan La Qaatay Axmad Madoobe.

Magaalada Kismaayo waxaa xalay shir khaas ah ku yeeshay hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe iyo Saraakiil Itoobiyaan ah.

Shirkan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin islamarkaana loo diiday saxaafadda ayaa waxaa kasoo baxaya warar hoose.

Saraakiisha Itoobiyaanka iyo masuulka Igad ayaa Axmad Madoobe kala hadlay qaabka doorashada iyo sida ay iyagu wax u rabaan, iyagoo dhankoodana ka dhageystay sida uu Axmad Madoobe wax u doonayo.

Qaar kamid ah musharaxiinta ayaa barahooda Internetka kusoo qoray in Axmad Madoobe lagu canaantay culeyska uu ku hayo musharaxiinta kadib markii ay iyagu dacwad ka gudbiyeen.

Sidoo kale Axmad Madoobe ayaa saraakiisha Itoobiyaanka ka codsaday iney ku gacan siiyaan sidii uu mar kale ku noqon lahaa hogaamiyaha maamulka Jubbaland.

Itoobiyaanka oo iyagu markii hore Kenyaatiga shuraako kula ahaa dhismaha maamulka Jubbaland ayaa hadda u muuqda kuwa isku gaar yeelaya arrimaha doorashada.

Dhawaan waxay si dhameystiran ula wareegeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo si aanan loo celin dad badan oo boorsooyin lacago ah wada kana soo hor jeeda Axmad Madoobe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.