Sarkaal katirsan dowladda Oo Jowhar lagu dilay.
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay sarkaal katirsna ciidamada dowladda federaalka.
Rag katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sarkaal katirsan ciidamada dowladda ku dilay gudaha Johwar, kadibna waxay ka furteen qori nooca AK47 ah oo uu watay.
Dilka Sarkaalkan waxaa aad looga hadal hayaa gudaha magaalada Jowhar, waxaana meydkiisa saaka lagu aasay isla magaalada.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda iyo maamulka Hir SHabeelle oo ku aadan dilka sarkaalkan, waxaana dilkiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.