Shisheeyaha iyo Ciidamada dowladda Oo lagu weeraray Shabeellaha hoose.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeraro xoogan ku qaadeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.

Weerarka ugu culus wuxuu ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriisa Afgooye iyo Wallaweyn, waxaana la weeraray ciidamo katirsan dowladda, xilli ay marayeen meel u dhow deegaanka Warmaxan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay iney maqlayeen rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa dowladda federaalka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidanka dowladda.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa weerarka kamiinka ah lagu dilay ugu yaraan 4 askari, waxaana jira dhaawacyo kale, tirada khasaarahan waxaa laga yaaba iney kororto.

Sidoo kale, habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday difaaca ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee dhaca duleedka Buula-mareer.

Weerarka waxa uu ahaa mid xoogan, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.