Sidee buu Cudurka Aidis-ka ku gaaray Ciraaq?
Warbixin cusub oo soo baxday ayaa lagu ogaaday in sababta keentay in cudurka AIDISKa gaaro dalka Ciraaq ay ahayd dawooyin ay soo saarto shirkad laga leeyahay wadanka Faransiiska.
Shirkadda MARIO oo ah shirkad laga leeyahay wadanka Faransiiska ayaa bartimihii sideetemayadii waxay heshiis la gashey wasaaraddii caafimaadka ee dowladda Ciraaq, waxaana heshiiskaas uu hor soodey in shirkaddu Ciraaq soo geliso dawooyin halis ah.
Isla xilligaas, dad badan oo xanuunsan ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Baqdaad, kuwaas oo laga daweynayay nafaqo darro iyo cuduro fudud, balse markii la siiyay dawadii ay keentay shirkadda Faransiiska waxay billaabeen iney mid mid u dhintaan.
Dawooyinka dadka la siiyay ayaa la ogaaday iney lahaayeen dhiig wasakheysan oo dhalin karay virusk Aidiska, sidaas ayaana dhacday, oo dad badan oo Ciraaqiyiin ah ayaa ku baaba’ay,cudurkana wuxuu ku faafay wadanka.
Dowladda Ciraaq ayaa xilligaas la sheegay iney Karin tiil ku sameysay dadkii cudurka qaaday, kuwaas oo tobanaan sano lagu hayay meelo gooni ah, loona diiday iney soo booqdaan ehelkooda.
Arintan ayaa muujineysa halista dawooyinka, iyo dhagaraha shirkadaha reer galbeedka, waxaana dhakhaatiirta Soomaaliyaad la gudboon iney wacyi geliyaan umadda Soomaaliyeed oo dalkeeda lagu soo guro dawooyin badan oo aan la ogeyn wax tarkooda iyo dhibaatada ka imaan karta.