Suudaan oo yeelatay ra’iisul wasaare cusub, tan iyo markii la afgembiyay madaxweyne Al-bashiir.

Heshiiska dhexmaray golaha milliteriga iyo mucaaradka Suudaan ayaa horseeday in wadanka Suudaan uu galo marxalad kumeel gaar ah, oo ay awooda talada wada qeybsadaan labada dhinac.

Cabdullaahi Xamduuk ayaa noqday ra’iisul wasaaraha cusub ee Suudaan, tan iyo markii uu billowday kacdoonka wadankaas, waxaana ninkan uu maalintii shalay oo Arbaco ahayd gutay dhaarta dastuuriga lagu tilmaamay ee madaxtnimada.

Khudbad uu jeediyay wuxuu shaaca ka qaaday inuu xooga saari doono sidii wadanka Suudaan uu uga dhisi lahaa xukuumad dimuqraadi ah, oo ay kaalin ku leeyihiin dhamaan Suudaaniyiinta.

Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in ujeedooyinkiisa ay kamid tahay sidii loo heli lahaa dhaqaale adag, si looga gudbo dhibaatada dhaqaale ee ka jira wadankaas.

Mar uu ka hadlayay arimaha dibadda, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu xiriiro wanaagsan la yeesho dowladaha caalamka, isagoo mudnaanta siinaya maslaxadda dowladiisa.

Xamduuk ayaa intaan loo dhaarin madaxtinimada, wuxuu ka yimid magaalada Adis Ababa ee Itoobiya, wuxuuna u muuqdaa shakhsi ay wadato dowladda xabshida ah ee Itoobiya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.