Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Jowhar.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday isbaaro ciidamada maamulka Hir Shabeelle ku leeyihiin duleedka degmada Jowhar ee xarunta Shabeellaha dhexe.

Weerarka ayaa ka dhacay bar isbaaro ah oo ay ciidamadu ku leeyihiin dhinaca wuqooyi ee Jowhar, waxaana ka dhashey waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerarkan, waxaana jira tiro kale oo dhaawacyo ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegatay masuuliyadda Weerarkan, balse dhanka maamulka Hir Shabeelle ma jiro wax war ah oo kasoo baxay, kuna aadan weerarkan lagu soo qaaday.

Dhawaan ayay ahayd markii weerar xoogan ay sidan oo kale ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ugu soo qaadeen bar kontorool oo ku taalla duleedka Jowhar, halkaasna waxaa lagu dilay lix askari oo katirsanaa maamulka Hir Shabeelle.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.