Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Jowhar.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo kuwa Hir Shabeelle ay ku leeyihiin duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarka oo ahaa mi abaabulan, islamarkaana si wanaagsan loo qorsheeyey ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada HirShabeelle.

Goobta uu weerarku ka dhacay waxaa lagu magacaaba Kil Wareegow, waxayna dhanka galbeed kaga beegantahay magaalada Jowhar.

Ugu yaraan 6 askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarka, halka sidoo kale ay jiraan dhaawacyo intaa kabadan, waxaana ciidamda Mujaahidiinta ay soo furteen lix qori.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hir Shabeelle oo ku aadan weerarka khasaaraha dhaliyay ee ciidamadoodu la kulmeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.