Weerar Waxyeello geystay oo ka dhacay Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo lagu weeraray askar katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, ayaa lagu weeraray bar kontorool oo ay joogeen ciidamada maamulka Jubbaland.

Inta haatan la ogyahay waxaa ku dhaawacmey 2 askari oo katirsan maamulka Jubbaland, waxaana la dhigay isbitaallada caafimaadka.

Weerarkan wuxuu kusoo aaday, iyadoo xaalad cakirnaan ah ay kajirto magaalada, islamarkaana ay ku suganyihiin illaa 4 madaxweyne oo mid kastaahi sheegayo inuu isagu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.