Weeraro ka kala dhacay gobollada Shabeellooyinka.

Guutooyinka kala duwan ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay fuliyay weeraro waxyeello dhaliyay, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Haddii aan ku hormarno magaalada Jowhar ee xarunta Shabeellaha dhexe, waxaa qarax lagu weeraray saldhiga Horseed ee magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidankii saldhiga joogay ayaa waxaa gaaray dhaawacyo halis ah, waxaana hadda lala tacaalayaa xaaladooda.

Dhanka kale, ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha ayaa qarax xoogan lagula eegtay duleedka magaalada Marko ee xarunta Shabeellaha hoose.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa qaraxa waxa uu qabsaday xilli ay marayeen deegaanka Buufow, lamana oga waxyeellada gaartay, walow qaraxa kadib ay rasaas badan ridayeen.

Degmada Afgooye ee isla Shabeellaha hoose, waxaa xalay lagu weeraray xubin katirsan maamulka degmada.

Cali Xuseen Barqash oo ah gudoomiye waaxeed katirsan Afgooye ayaa weerar kala kulmay dhinaca Mujaahidiinta, waxanaa gaaray dhaawac halis ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.