Xaalad kacsanaan ah oo ka taagan Kismaayo, xilli Jubbaland uu yeeshey Labo Madaxweyne.

Magaalada Kismaayo ee  xarunta gobolka Jubbada hoose waxay marti gelisay doorashooyin iska soo horjeeda oo natiijada kasoo baxday ay noqotay labo madaxweyne.

Xillibaannada taageersan Axmad Madoobe ayaa sheegay in doorasho ka dhacday magaalada, islamarkaana ku hardameen Axmad Madoobe iyo labo qof oo kale uu ku guuleystay Axmad Madoobe.

Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland garabkiisa taabacsan Axmad Madoobe, ayaa shaaca ka qaaday in Axmad Madoobe uu helay codad gaaraya 56 cod, halka haweeneyda CANAB ay iyaduna heshey 17 cod.

XIllibaannada kale ee mucaaradsan Axmad Madoobe, ayaa iyaguna waxay shaaca ka qaadeen in Cabdi-rashid Xidig ay u doorteen inuu noqdo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Siyaasiyiintan is mucaaradsan ayaa kala wata ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya, waxaana ciidamo aad u badan oo Kenyaati ah ay ku gaaf wareegayaan magaalada, halka Askar Itoobiyaan ah ay waardiye ka hayaan guriga uu deganyahay Seeraar oo ay ku suganyihiin siyaasiyiinta kasoo horjeeda Axmad Madoobe.

Arintan ayaa markale banaanka soo dhigeysa fashilka heysta Federaaliisimka lagu qasbayo umadda Soomaaliyeed, waxaana siyaasiyiinta Soomaalida uu mid weliba u madax raaricinayaa dowlada wadata, iyagoo iska iloobay masiirka shacab weynaha Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.