Al-Shabaab Oo Askar ku dishey hubna ku furatay Weerar ka dhacay Hiiraan.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar dhabagal ah u dhigay askar katirsan maamulka Hir Shabeelle oo marayay qeybo kamid ah wilaayada Hiiraan.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in weerar qorsheysan uu ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi, kaas oo lala eegtay ciidamo socdaal ku jiray oo katirsan kuwa Hir Shabeelle.
Dagaal kooban oo goobta ka dhacay, waxaya ciidamada Mujaahidiinta ka tallaabsadeen meydadka 5 askari oo katirsan ciidanka Hir Shabeelle, iyagoona ka furtay uug yaraan 4 qori.
Dharbaaxshadan gaartay ciidamada maamulka Hir Shabeelle ee Shisheeyaha ku garab siinaya duulaankooda ka dhanka ah Soomaaliya ayaa aad looga hadal hayaa wilaayada Hiiraan, gaar ahaan goobaha ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.