Al-Shabaab Oo howlgal khasaare dhaliyay ka fuliyay Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa habeenkii xalay ka dhacay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, waxaana lagu dilay askar katirsan ciidamada maamulka Hir Shabeelle.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in in muda ah rasaas kulul ay is dhaafsadeen ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa maamulka Hir Shabeelle, iyadoo la maqlayay takbiirta ciidamada Mujaahidiinta.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Al-Furqaan waxay xaqiijiyeen in howlgalkaas lagu dilay labo askari oo  kaitrsan ciidamada Hir Shabeelle, halka mid kalena lagu dhaawacay.

Waxay sidoo kale ciidamada Al-Shabaab dagaalka ku furteen 3 qori oo AK47 ah, iyo booshashkooda, iyagoona ugu dambeyn si nabad geliyo ah uga soo baxay magaalada Jowhar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.