Al-Shabaab oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Weerarkii Ballidoogle Iyo Khasaaraha Dhimasho oo 70 Kor U Dhaafay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor dhow baahisay bayaan ku qoran luqaadda Ingiriisiga, kaasoo ugu horreyn lagu faahfaahiyay sida uu u dhacay hawl galkii maanta.
Bayaanka oo uu soo saaray Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu billaabay qarax weyn ka dib-na ay xigeen ciidamo xoog ku galayaal ah, weerarka oo ahaa mid gaar ah oo ay fuliyeen guutada Istish-haadiyiinta.
Khasaaraha weerarka ka dhashay ayaa aad u badan, waxaana Mareykanka oo kaliya halkaa looga dilay 100 askari, Israa’iiliyiinta waxaa laga dilay in ka badan 12, halka qandaraaslayaasha ajaanibta ah laga dilay 40.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in xerada ay dagganaayeen ciidamada Mareykanka, shaqaalaha UN-ka iyo qandaraaslayaal milatari.
Sidoo kale khasaaraha waxaa kamid ah 5 diyaaradood oo nooca dagaalka ah oo halkaa lagu gubay, waxayna isugu jiraan Drone iyo kuwa qumaatiga u kaca.
Weerarku farriin cad u yahay Axmaqa (dabbaalka) Tramp, sida bayaanka lagu sheegay iyo dadkiisa Mareykanka maadaama siyaasaddooda arrimaha dibadda ay tahay ku cadaawad badan ka kasbatay ummada Soomaaliyeed.
Al-Shabaab waxay shegeen in weerarkii maanta uu jawaab cad u yahay duqeymaha aan loo meel dayin ee ay diyaaradaha Mareykanku u geystaan dadka maatida ee muslimiinta ah.
Mareykanka ayaa waxaa loo sheegay inuu dhadhamin doono miraha ka dhashay dhibaatooyinka uu ku hayo ummada Muslimka ah ee Soomaaliyeed.
Bayaanka ayaa waxaa kale oo looga hadlay weerarkii maanta jidka warshadaha lagula beegsaday saraakiishii Reer Yurub kuwaasoo laga qarxiyay laba gaari oo kolonyadooda kamid ahaa.
Al-Shabaab waxay xaqiijiyeen in weerarkaas lagu dilay saraakiil kamid ah kuwa midowga Yurub ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya.
Mareykanka ayaa sheegay inuu cambaareynayo weerarkii Ballidoogle iyo kii jidka Warshadaha ee Muqdisho.