Al-Shabaab Oo Xilldhibaan Ku weerartay Muqdisho.

Xillibaan Cabdil-Qaadir Caraboow

Qarax xoogan oo si weyn looga maqlay inta badan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa fiidkii xalay ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama oo ah wado halbowle u ah dhaq-dhaqaaqa dowladda federaalka iyo Shisheeyaha.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgosyka Xaaji Baasto, waxaana lala eegtay xillibaan Cabdilqaadir Caraboow iyo ilaaladiisa gaarka ah.

Wuxuu haleeley qaraxu gaari nooca Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askarta ilaalada u ahayd Xilibaanka, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba isuga jirta.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3 askari oo katirsan ilaalada Xillibaan Cabdil-qaadir Caraboow ay ku dhinteen qaraxa.

Xillibaanka weerarka ka badbaaday ayaa dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen in isagoo argagaxsan laga kaxeeyey goobta, islamarkaana uu watay gaari nooca aan Xabddu karin ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.