Boqollaal Askari Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar ka dhacay Kaabul.

Camaliyad Nafhurnimo oo aad u xoogan ayaa ka dhacday magaalada Kaabul ee caasimadda wadanka Afqaanitaan, taas oo lala eegtay saldhig weyn oo ay ku sugnaayeen askar katirsan dowladda.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari miineysan oo laga buuxiyay waxlaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ciidan oo ku yaala mandiqadda Riish-khoor ee hoostagta magaalada Kaabul, waxaana ka dhashey waxyeello ba’an.

War kooban oo lagu baahiyay barta Imaarada islamaiga ay ku leedahay Internetka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 200 oo askari oo katirsan ciidamada Kumaandooska xukuumadda Kaabul ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarkan.

Wuxuu kusoo aadayaa weerarkan, xilli uu Donald Trump ku hanjabay inuu sii xoojin doono weerarada ay ciidamadiisu ka wadaan wadanka Afqaanistaan, waxaana muuqaneysa in Dhaalibaan ay iyaduna dhankeeda sii laba laabeyso weerarada Jihaadiga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.