Ciidamada Jabuuti Oo lagu weeraray Buula burde.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee baramaha dalkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in dagaal culus lagu qaaday ciidamada Jabuuti ee qeybka ah duulaanka Shisheeyaha ay kusoo qaadeen wadankan.

Saqdii dhexe ee xalay, ayaa ciidamo aad u qalabeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dhowr jiho ka weerareen saldhiga ay ciidamada Jabuutiyaanka ah ku leeyihiin degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa soo tabiyay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana rasaastu ka shanqartay gudaha saldhiga ay ciidamada Jabuutiyaanku deganyihiin, kuwaas oo ay Soomaalidu ugu yeerto “Hiil gumeysi”.

Lama helin weli khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Jabuuti, balse waxaa la rumeysanyahay inuu jiro waxyeello gaartay.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalintii shalay duleedka degmada Jalalaqsi ee Hiiraan lagu dilay shan askari oo katirsan ciidamada maamulka Hir Shabeelle, lagana furtay hubkii ay wateen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.