Ciidamo katirsan Shisheeyaha Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

 

 

 

 

 

 

 

 

Qarax aad u weyn ayaa ciidamada Shisheeyaha waxaa lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose oo mudooyinkii u dambeeyey marti gelinayay weeraro lagu dhiig bixinayo ciidamada Afrikaanta.

Ciidamada qaraxa lala eegtay oo katirsan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa waxa uu qaraxu qabsaday iyagoo maraya inta u dhexeysa deegaannada Danow iyo Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay askartu lugeynayeen, waxaana goobta ku dhintay ugu yaraan 3 askari oo Yugaandhees ah, sida ay xaqiijinayaan ilo aan ku kalsoonaan karno.

Ciidamada la qarxiyay ayaa sahay u siday ciidamada Shisheeyaha ee ku kala sugan Danow iyo Golweyn, waxaana inta badan marka ay sahayda isku gudbinayaan la kulmaan weeraro xoogan.

Sidoo kale, ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa qarax lagula beegsaday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Askartan ayaa la qarxiyay xilli ay ku guda jireen jarista dhirta ka baxda degmada, waxaana qaraxa kaga dhaawacmey ugu yaraan 4 askari.

You might also like
1 Comment
  1. Jaabir Mohamed Omar says

    M.a

Leave A Reply

Your email address will not be published.