Dagaallo xoogan oo dib uga qarxay magaalada madaxda Liibiya.
Wararka ka imanaaya galbeedka wadanka Liibiya ayaa ku waramaya iney socdaan dagaallo xoogan oo dhexmaraya ciidamada dowladda iyo malleeshiyaadka dagaal ooge Khaliifa Xaftar, kuwaas oo ka dhacaya Dharaabulis iyo hareeraheeda.
Ciidamada xukumadda Al-wifaaq ayaa howlgal ballaaran oo dhanka cirka iyo dhulkaba ku qaaday difaacyada malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ay ku leeyihiin deegaannada hoos yimaada Tripoli, waxaana lasoo sheegayaa iney ka saareen qeybo badan.
Malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ayaa ka firxaday difaacyo ay ku lahaayeen magaalada iyo hareeraheeda, waxaana kamid ah meelaha laga saaray saldhig ku yaala koonfur galbeed magaalada caasimadda, halkas oo ay kasoo tuuri jireen madaafiicda cul culus.
Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in ciidamada xukuumadda Al-wifaaq ay dagaallada u adeegsanayaan hubka cul culus iyo diyaaradaha dagaalka, waxaana illaa iyo hadda cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.
Dhowr bilood kahor ayay ahayd, markii dagaalyahanno daacad u ah Xaftar ay duulaan kusoo qaadeen magaalada Tripoli ee caasimadda wadanka Liibiya, halkaas oo xarun u ah xukuumadda ay reer galbeedku aqoonsanyihiin ee Al-wifaaq.