DEG-DEG: Al-Shabaab Oo War Saxaafadeed kasoo saaray Weerarka Ballidoogle.

Bayaan kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarka culus ee ka soconaya xerada Ballidoogle oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Soomaaliya.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in dagaalyahannada Mujaahidiinta ay ku guuleysteen iney jiiraan difaacyada saldhiga Ballidoogle, ayna si fool ka fool ah ula dagaallamaan ciidamada Maraykanka ee jooga halkaas.
“Subaxnimadii hore ee saaka, ciidamo gaar ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa duullaan halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle ee ku yaalla Sh/hoose” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu bayaanku intaas sii raaciyay “Garoonkaan oo qiyaastii 100km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa wuxuu hooy u yahay boqolaal ka tirsan military-ga Mareykanka, Saraakiisha UN-ka iyo shirkadaha military ee gaarka loo leeyahay iyo diyaaradaha Mareykanka, wuxuu sidoo kale ka dhigan yahay taliska laga hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka”.
“Ka dib markii ay jabiyeen difaacyada hore ee saldhiggan aadka loo ilaaliyo Mujaahidiintu waxay iqtixaameen xerada, dagaal adag ayeyna ku qaadeen salibiiyiinta halkaas ku sugan. dagaalkuna weli wuu socda, Waxayna Xarakada Al-Shabaab soo gudbin doontaa wixii faahfaahino ah ee ku saabsan howlgalkaas”.
Halkan ka Akhriso bayaanka oo ku qoran Luuqadda Englishka.