Farmaajo oo Billad Lagu Gudoonsiiyay Mareykanka. Sabab?.

Madaxweynaha DF, oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa waxaa la gudoonsiiyay billad taasoo abaal gud u tahay maamul wanaag la sheegay iney dowladdu sameysay sannadkan.

Xubno Mareykan ah ayaa gudoonsiiyay billadda isagoo faraxsan oo dhoolla caddeynaya, waxaana si gaar ah loogu ammaanay kaalintii uu ka geystay heshiiskii Itoobiya iyo eratariya oo ahayd inuu afar dekedood u saxiixay Abeey Axmad.

Hey’adaha Qaramada midoobay iyo kuwa reer galbeedka ayaa sannadihii ugu dambeeyay dowladda federalka ku xukumay iney tahay tan ugu musuqmaasuqa badan, haddana saasoo ay tahay waxaa markii uu Mareykanka tagay madaxweynaha la gudoonsiiyay billad ka tarjumeysa hufnaanta maamulka.

Sidoo kale waxaa Farmaajo billado lagu ag gudoonsiiyay madaxweynaha Eratariya iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, oo lagu ammaanay heshiiska dhexdooda ah.

Mid kamid ah afartii dekedood ee uu Madaxweynaha u saxiixay Itoobiya, waa dekedda Garacad ee uu hadda dhismaheedu socdo, taasoo maalmo ka hor uu hogaamiyaha Puntland si cad u sheegay inuu Xabashida ku wareejiyay.

Mareykanka ayaa madaxweynihii hore ee DF Xassan Sheekh Maxamuud ka saxiixday iney la baxaan shidaalka dalka iyagoo markaa kaga badashay in ay dowladdiisa aqoonsadaan kana saaraan ku meel gaarka.

Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa doonaya inuu taageero hor leh ka helo Mareykanka islamarkaana uu waqtiga sii kororsado, halka siyaasiyiinta mucaaradka ay arrintaasi diidan yihiin.

You might also like
1 Comment
  1. Abufatima says

    Eygay rabaystaan waqood way u roonaane
    Murtad kii rabigi xarigi jaray waw riyaaqaane
    Risaalada haduu raaci laa raadka nabigeena
    Taraam Uma rakuuceen sidii rati lalayl yaayo
    Hadii uu nin raga noqon lahaa lama rigays teene
    Raali kuma ahaan layn kafaro reeryo qaad keede
    Rabigay cadaab gaaladuu daba rabee yaaye
    Saw muu rogmanin reer camiil dabadi rooraaya

Leave A Reply

Your email address will not be published.