Gawaari Ciidamada Shisheeyaha Looga gubay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay, waxaa magaalada Muqdisho qaraxyo lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.
Labo Qarax oo aad u waaweyn ayaa lagu qarxiyay gawaari booyado ah oo kamid ah kuwa ay adeegsadaan ciidamada Shisheeyaha.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel u dhow isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, waxaana gebi ahaanba uu burburiyay gaariga booyadda ah.
Waxyar kadib, waxaa dhacay qarax labaad oo lala eegtay gaari kale oo booyad ah, waxaana la rumeysanyahay iney waxyeello gaartay ciidamadii saarnaa labada booyad.
Qaraxa labaad kadib, ciidamada Shisheeyaha ayaa rasaas bareer ah ku furay dadka shacabka ah ee ka ag dhawaa goobta ay qaraxyada ka dhaceen.
Magaalada Muqdisho waxaa ka howlgala guutooyin kala duwan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo laf dhuun gashey ku noqday damacyada Shisheeyaha ay ka leeyihiin Soomaaliya.