Hindiya: Kashmiir annaga ayaa iska leh.

Wasiirka arimaha dibadda Hindiya.

Wasiirka arimaha dibadda dowladda Hindiya ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay iney ku dadaali doonaan sidii gobolka Kashmiir qeybta ay maamusho dowladda Pakistaan ula wareegi lahaayeen.

Jayshankar oo ah wasiirka arimaha dibadda Hindiya ayaa shir jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtay wuxuu si aan ka leex leexad lahayn u sheegay in Kashmiir inta ay heysato Pakistaan uu yahay dhul iyaga maqan.

“Mowqifkeena ku aadan qeybta ay gumeysato Pakistaan ee katirsan Kashmiir waa mid cad oo sugan, waana qeyb kamid ah Hinidya, maalin un ayaana la wareegi doonnaa” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda dowladda Hinidya.

Dowladda Pakistaan ayuu ku eedayay iney taageerto jamaacaadka ka dagaallama Kashmiir ee kasoo horjeeda gumeysiga Hindiya, wuxuuna si wadahadal labada dowladood u yeeshaan ugu baaqay iney marka hore ka takhalusaan waxa uu ugu yeeeray Argagaxisada.

Dhawaan ayaa dowladad Hinidya waxay laashey xeerkii gaarka ahaa ee uu lahaa Kashmiir, waxaana tan iyo markaas bandow lagu soo rogay gobolka Kashmiir, halkaas oo aan la ogeyn waxa ka dhacaya.

Warar aan badneyn oo mar mar Warbaahintu hesho ayaa sheegaya in malaayiin ruux oo muslimiin ah xabsiyada loo taxaabay, islamarkaana ay socdaan howlgallo kala duwan oo qaarkood lagu dilay dadka muslimiinta.

Gobolka Kashmiir ayaa hadda waxaa saaran go’doon dhan weliba ah, mana jirto wax u gudba ama kasoo baxa, waxaana jaaliyadaha muslimiinta ee kasoo jeeda gobolkaas ay sheegayaan in loo baahanyahay in la garab istaago reer Kashmiir.

Hay’adda sheegata iney u dodo Xuquuqda Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan war ay soo saartay waxay ku sheegtay in xaalad cakiran ay ka jirto gobolka Kashmiir, maamulka dowladda Hinidyana looga baahanayahay inuu dhibaatadaas ka khafiifiyo reer Kashmiir.

Dhawaan kalimad uu jeediyay Sheekh Ayman Ad-dawaahiri amiirka guud ee Al-Qaacida ayuu kaga hadlay xaaladda gobolka Kashmiir, wuxuuna ku tilmaamay gobolkaas inuu yahay dhaawac dhiigaya oo kamid ah dhaawacyada ku yaala quluubta Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.