Khasaaraha Burundi ku gaaray shabeelaha Dhexe oo Kordhay.(Warbixin)

Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Amisom ayaa markale la kulmo dagaal dhiig badan uu kaga daatay oo shalay ka dhacay duleedka Balcad oo katirsan shabeelaha dhexe.

Ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa dagaal xooggan ku qaaday ciidamada xili ay marayeen agagaarka tuulada Gololey oo udhaw degmada Balcad.

14 Askari ayaa la xaqiijiyay in dowladda Burundi looga dilay dagaalka.

12 kamid ah Meydadka waxaa lagu arkay  bartii lagu dagaalamay iyagoo sii qaatay laba Askari oo weerarka kaga dhintay iyo Askar kaga dhaawacantay dagaalka.

Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay sideed qori oo shisheeyaha looga furtay dagaalka.

Xaalada goobihii  lagu dagaalamay ayaa saakay dagan.

Ma ahan markii ugu horeysay ciidamada Burundi lagu laayo gobalka shabeelaha dhexe.

Dagaalkaan ay ku go’een Askarta Burundi ayaa kusoo aadaya xili shalay ciidamada Alshabaab ay duleedka Balcad ku duleen madax katirsan maamulka Hirshabeelle.

Qarax lala eegtay gaari Nuuca raaxada ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin katirsan Hirshabeelle ayaa waxaa ku dhintay Sabriye Cusmaan Toxoboow oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga ee maamulka ‘HiirShabelle iminkana la taliye u ahaa madaxweyne Waare.

gudoomiye ku xigeenkii dhanka maaliyada ee gobolka Sh/dhexe Cabdullaahi Shitaawe ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka.

Nin magaciisa lagu soo koobay Xasan Baldoos oo la shaqeynayay sirdoonka hey’adaha shisheeye ayaa ku jiray dadka dhintay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.