Kheyre oo ka badbaaday weerar ayaa dib ugu laabtay Muqdisho.
Wararka naga soo gaaraya gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Reysulwasaaraha dowladda uu ka badbaaday isku day dil xili uu booqanayay magaalada Marko ee gobalka shabeelaha hoose.
Ciidamada xarakada Alshabaab ayaa weerar qaraxyo ah ku qaaday reysulwasaaraha oo mudooyinkaan danbe socdaallo ku marayay qeybo kamid ah Gobalada Bay iyo Bakool.
Jugta qaraxyo xooggan ayaa laga maqlayay goob uu Reysulwasaaruhu kula hadlayay dad taageersan dowladiisa oo loo sii diyaariyay inay soo dhaweeyaan Reysulwasaaraha.
Waxaa jira khasaaro ka dhashay weerarkaasi sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan gudaha Magaalada Marko.
Reysul wasaaraha ayaa durbadiisa hakiyay qorshihiisa magaalada Marko waxaana deg deg lagala cararay magaalada.
Diyaarad kuwa qumaatiga ukaca ah oo ay leedahay Qaramada midoobay ayaa reysulwasaaraha kala carartay magaalada,wuxuuna ku laabtay magaalada Muqdisho.
Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkaan,
Magaalada Marko iyo hareeraheeda ayaa waayahaan danbe waxaa ka dhacayay weeraro udhaxeeyay ciidamada xarakada Alshabaab iyo kuwa shisheeye.
Weerarkaan ayaa ka dhigan kii ugu horeeyay ee Reysulwasaaruhu ka badbaado isagoo ku sugan magaalada xeebeedka Marko oo ah xarunta gobalka shabeelaha hoose