Madax ka tirsan Hirshabeelle oo Lagu dilay shabeelaha dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobalka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax xoogan lala beegsaday gawaari ay la socdeen madax iyo ciidamo ka tirsan maamulka hirshabeelle ee fadhigiisu yahay magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ka dhacay duleedka Magaalada Balcad ayaa haleelay mid kamid ah gawaarida sida ay idaacada Alfurqaan  uxaqiijiyeen illo wareedyo.

wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen shan ruux halka ay ku dhawaacmeen Tiro kale.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cismaan, Cabdullahi Shitaawe oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saddex askari ayaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaasi.

Ma jirto wax warar  faafaahsan oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle.

Xarakada Alshabaab ayaa horay shabeelaha dhex ugu dishay laba xildhibaan oo ka tirsanaa maamulka Hirshabeele.

La soco wixii soo kordha inshaa allaah. 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.