Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqday Yahuudda.

Waxaa markii ugu horeysa dhulka ku jira gumeysiga Yahuudda ee Filastiin gaaray ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Abey Axmed.

Waxaa soo dhaweeyey dhigiisa Yahuudiga ah ee Bin Yamanin Natanyahu, iyadoona labada dhinac ay kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen qadiyado kala duwan oo ay kamid tahay amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay iney doonayaan iney uga faa’iideeyaan Itoobiyaanka khibradooda ku aadan difaaca.

Abey Axmed ayaa isagana waxa uu sheegay inuu doonayo in Yahuudda uu ku dhiirageliyo iney maalgashi ku sameeyaan wadanka Itoobiya oo wajahaya culees dhanka dhaqaalaha iyo amniga ah.

Natanyahu ayaa ku amaanay dhigiisa Itoobiya inuu yahay qof saameyn iyo galaan gal ku leh qaaradda Africa, waxaana uu sheegay in booqashada uu ugu yimid ay tahay mid wanaagsan.

Warbaahinta Yahuudda ayaa baahisay in Abey Axmed uu soo hadal qaaday dil dhawaan halkaas uu askari Yahuudi ah ugu geystay muwaadin asalkiisa kasoo jeeda dalka Itoobiya, kana mid ah Yahuudda Afrikaanta ee degta dhulka xooga lagu heysto ee Filastiin.

Booqashada uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya ugu tagay Yahuudda ayaa muujineysa galaan galka ay dowladan ugu jirto sidii ay u xoojin lahayd kaalinteeda ah wakiilka reer galbeeka ee Africa.

Reer galbeedka iyo Yahuudda ayaa dowladda Itoobiya ku garab taagan wax weliba oo ay awoodaan, waxayna si gaar ah ugu taageerayaan duulaanka ay ciidamadeeda ku joogan wadanka Soomaaliya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.