Saraakiil Caddaan ah Oo lagu weeraray Muqdisho.
Kolonyo ay la socdeen saraakiil cadaan ah oo katirsan midowga Yurub ayaa lagu weeraray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qarax xoogan ayaa lala eegtay kolonyada xilli ay mareysay meel u dhow kulliyadda, waxaana jira waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ugu yaraan labo gaari oo kamid ah kolonyada ayaa lagu soo waramayaa iney burbureen, waxaana Saraakiisha la beegsaday ay ahaayeen tababarayaal ka socda midowga Yurub.
Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey weerarkan, balse lama helin faafaahin rasmi ah.