Sarkaal katirsan Koonfur Galbeed Oo Baydhabo Lagu Weeraray.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay weerar toogasho ah oo loo geystay sarkaal katirsan maamulka Koonfur galbeed.

Sarkaalka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Manuur Amxaar, waxaana beegsaday rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhabo waxay soo sheegeen in sarkaalka lagu weeraray meel u dhow kontoroolka Al-amxaar oo kamid ah kontoroollada ku yaala magaalada Baydhabo, islamarkaana uu gaaray dhaawac.

Baydhabo ayaa waxaa ku sugan ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah kuwaas oo ilaalinaya maamulka Koonfur galbeed ee gacan saarka dhow la la leh Xabashida.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.