Sawirro: Beelaha Abgaal iyo Xawaadle Oo Boqolaal kun oo doollar diyo u kala qaatay.

Munaasabad ballaaran oo dhawaan ka dhacday wilaayada islaamiga ee Hiiraan ayaa lagu soo afjray colaad in muda ah u dhexeysay beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo ah labo qabiil oo Soomaaliyeed, islamarkaana deris ah.

Munaasabad uu soo qaban qaabiyay maktabka Musaalaxada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo ka dhacday degmada Buq Aqable ayaa labada beelood waxay ku kala qaateen diyarada lix nin oo ay horey isaga dileen.

Abgaal ayaa laga dilay 5 qof, sidaas darteed waxay qaateen 500 oo neef oo geel ah, halka beesha Xawaadlana qaadatay diyada hal ruux oo horey loogu dilay, taas oo ah 100 neef oo geel ah.

Halkii neef oo geel ah ayaa lagu qiimeeyey lacag dhan 400 doollar, waxaana sidaas ay ku noqotay lacagaha la kala qaatay 240,000 (labo boqol iyo afartan kun oo doollar).

Sawirro laga soo qaaday Munaasabadda ayaa muujinaya Odayaasha labada beelood oo lacagaha isku wareejinaya, waana taariikhda markii ugu horeysay lacag intaas la eg oo mar qur ah laba beelood oo Soomaaliyeed kala qaataan.

Wilaayaadka islaamiga ee ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa ka jira maamulo islaami ah oo dadka ku maamula Shareecada Islaamka, waana sababta keentay in la helo amniga ka jira goobaha ay ka taliso.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.