Sawirro: Ku Dhawaad 80 Ergo oo Soo Doortay Xildhibaanada oo Mar Kale Lagu Soo Dhaweeyay Buulo-fullaay.
Qaarka mid ah xubnihii soo doortay Baarlamaanka Federaalka ah ayaa mar kale lagu soo bandhigay Buullo fulaay oo ka tirsan Wilaayada Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool oo kamid ah dhulka ay maamusho Xarakada Al-Shabaab.
Ergadaan oo ah Todobaatan iyo Lix ruux waxaa ku jira qaar ka mid ah dadkii doortay xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari, oo horay u ahaa gudoomiyaha Baarlmaanka Federaalka.
Munaasabad si heer sareysa loo soo agaasimay ayaa ergadaan loogu qabtay magaalada, waxaana dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Waaliga Baay iyo Bakool, Sheekh Cabdulaahi Macalin Geeddow, Sheekh Cali Katiin iyo xubno kale.
Ergada qaarkeed oo makaroofanka lagu soo dhaweeyay ayaa tilmaamay in ay ka qoomameynayaan tallabaadi ay doorashada uga qayb galeen dibna aanay ugu noqo doonin.
Xubnahaan ayaa qayb ka ah dufcaddii sadaxaad ee iska diiwaan gelisa Wilaayaadka islaamiga ah oo ay bilihii la soo dhaafay ku qul qualyeen ergadii Baarlmaanka soo dooratay.
Dhawaan ayay ahayd markii 51 ergo lagu soo bandhigay munaasabad ka dhacday degmada Bu’aale, kuwaasoo iyaguna sheegay iney kasoo laabteen arrintaas. Waliba waxaa dhulka ay ka taliso Al-Shabaab ku qulqulaya ergada.