Shiinaha Oo Shalleyto ka taagan Xeer ay ku mamnuuceen in Caruur badan la dhalo.

Warbixinno cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in dowladda Shiinaha ay dhibaatooyin xoogan kala kulantay siyaasad iyo xeerar xilliyo hore laga dhaqan geliyay wadankaas oo ahayd in qoys weliba uu dhalo hal canug.

Xeerkan oo soo baxay sanadkii 1979-kii ayaa amrayay in qoys weliba oo shiines ah dhalo hal canug, taasina waxay keentay isbedel hadda ka muuqda wadanka, iyadoo ay yaraaneyso tirada dadka Shiineska ah.

Sanadkii 2015-ka ayay dowladda Shiinaha kordhisay tirada caruurta loo ogol yahay qoys weliba iney dhalaan, taas oo laga dhigay labo caruur ah, balse sanadkii 2018-ka ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray xeerka xadidaya tirada caruurta.

Inkastoo sanadkii hore ay sare u kacday tirada caruurta dhalaneysa 8%, ayaa sanadkan waxaa la sheegayaa iney jirto hoos u dhaca ballaaran oo ku yimid tirada caruurta dhalaneysa, kaas oo lagu qiyaasay inuu gaarayo 3.5%.

Warbixinta soo baxday waxay sidoo kale cadeyneysaa in wiilasha iyo gabdhu ay kala badanyihiin, islamarkaana gabdhaha dhalanaya ay 60% ka yaryihiin wiilasha.

Inakstoo Shiinaha dadkiisa ay aad u kordhayeen kahor inta aanu soo bixin xeerka xadidayay caruurta, ayaa hadda waxaa la sheegayaa in dadkiisu aaney ka badneyn 1.4 bilyan oo la eg tirada dadka ku nool wadanka Hindiya.

 

Diinta Islaamka oo ah diin wanaagsan, Allena raali uga noqday dadka ku nool adduunka ayaan xadidin dhalmada, waxaana taas bedelkeeda ay dhiirgelisay guurka oo la badiyo, si taranku u kordho, waana mida keentay in maanta diinta Islaamku ay noqoto diinta ugu faafida badan Caalamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.