Weerar Askar Lagu dilay oo ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday isbaaro ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Weerarka ayaa lagu qaaday isbaara ku taalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana dagaalka ka dhashey khasaare culus oo gaaray ciidamada Hir Shabeelle.

Inta haatan la ogyahay, waxaa dagaalka ku dhintay 4 askari oo katirsan ciidamada Hir Shabeelle, kana mid ahaa kuwii joogay isbaarada la weeraray.

Hubkii ay wateen askarta la dilay oo gaaraya 4 qori iyo booshashkooda ayay gacanta ku dhigeen dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo habeenkii xalay ciidamada Mujaahidiinta ay weerar culus oo qorsheysan ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar, kaas oo lagu dilay 3 askari, mid kalena lagu dhaawacay, islamarkaana lagu soo furtey saanad iyo hub ciidan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.