Weeraro khasaare dhaliyay oo ka dhacay Jubbooyinka iyo Gedo.

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya iney dheceen howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ciidamo Kenyaati ah ayaa weerar kamiin ah waxaa lagula eegtay nawaaxiga degmada Ceel-waaq, waxaana halkaas kasoo gaaray waxyeello kala duwan.

Gaari xamuul ah oo ay saarnayeen askar Kenyaati ah ayaa lagu gubay kamiinka, waxaana weerarka sidoo kale ku dhinaty tiro askar Kenyaati ah oo aan cadadooda la heynin/

Dhinac kale weerar ka dhacay deegaanka Cabdalle Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dilay askar katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Ugu yaraan 3 askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen howlgalka ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.