Xafladaha Ay Soomaalidu Dhigtaan Maxaa Looga Cabaa Cabitaanada Dibadda? (Dhageyso)
Haween Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dadku cabitaan ka dhigtaan khudaarta kasoo go’do wadanka, taas bedelkeedana ay iska daayaan cabitaannada laga keeno wadanka dibadiisa.
Waxay sheegeen iney jiraan dhibaatooyin laga dhaxlo cabitaannada dibadda, taas bedelkeeda khudaarta kasoo go’do wadanka ayaa leh faa’iido wanaagsan.
Xafladaha ardayda dugsiyada xataa waxaa la isticmaalaa xanjo, nacnac, shukulaato, iyadoo laga tagay macmacaankii soomaalida sida:- Icun, Shushumoow, Nanac luubaani, Caano baraawe IWM.
Halkan ka dhagayso Codka Haweenka la hadlay Al-Furqaan.