Zeynul Caabidinkii Tuunis Oo Geeriyooday.
Qoyska madaxweynihii hore ee wadanka Tuunis Zeynul Caabidiin bin Cali ayaa ku dhawaaqay inuu ku geeriyooday magaalada Jeddah ee dhulka Aala-Sucuud ka arrimiyo, halkaas oo sanadihii u dambeeyey uu ku noolaa.
Qareenka Zeynul Caabidiin ayaa sheegay in bilihii ugu dambeeyey uu ninkan aad u xanuunsanayay, islamarkaana uu ku jiray xaalad koomo ah, isagoo helayay daryeel joogta ah.
Sida uu sheegay Qareenka, wuxuu madaxweynihii hore ee Tuunis dalbaday in lagu aaso magaalada barakeysan ee Makka Al-mukarrama, lamana oga in la fulin doono dardaarankaas.
Zeynul Caabidiin ayaa 23 sano oo xiriir ah maamulayay wadanka Tuunis, waxaana xilka looga tuuray kacdoon shacbi oo wadankaas ka dhacay sanadkii 2011-da, waxaana wixii ka dambeeyay intii xilka laga tuuray uu ku noolaa dhulka Xarameynka, halkaas oo uu soo dhaweyn kaga heley maamulka Aala-Sucuud.